Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xildhibaano ku goodiyey iney carqaladeyn doonaan dorashada gudoonka BFS haddii..

Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye shub) oo ka mid ah Xildhibaanada laga soo doortay Koonfur galbeed ayaa sheegay iney teendhada Afisiyooni u tageen iney wax doortaan waxna diidaan.

Taliye Shub ayaa sheegay iney diyaar u yihiin doorashada gudfoonka cusub ee Baarlamanka balse ay ka soo horjeedaan iney doorashada ka qeyb qeyb qaataan Xildhibaanadii reer Gedo lagu soo dooortay Ceelwaaq.

“Xildhibaanadda anagoo kale ku soo baxay waan ogolnahay iney ka qeyb qaataan doorashada balse kuwa qaldan ma ogolin, waana diideynaa” ayuu yiri Xildhibaan Mahad C/raxmaan.

Mar la weydiiyey iney caqabado kala kulmeen imaanshaha teendhada Afisiyooni maadaama Xildhibaano badan laga celiyey jidadka ayuu sheegay ineysan jirin wax dhibaato oo isaga shaqsi ahaan uu la kulmay.

“Gurigayga sidaan uga soo baxay waxaan ku imid teendhada Afisiyooni, mana jirin wax dhibaato ah oo aan la kulmay intii aan wadada ku soo jiray” ayuu yiri Xildhibaanka oo ka mid ah kuwa sida weyn u taabacsan villa Somalia.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xildhibaano fara badan oo taageersan Farmaajo ay joogaan hoolka Teendhada Afisiyooni, kuwaasoo lagula soo balamay iney doorashada carqaladeeyaan hadii ay ka qeyb galaan Xildhibaanadii lagu soo doortay Ceelwaaq, waxaana Xildhibaanadaas u badan kuwa laga soo doortay Koonfur galbeed.

Related posts

Dowladaha Soomaaliya iyo Eritrea oo kala saxiixday Heshiis cusub oo Is faham ah

Cabdi Cade

(Akhriso) Siyaasiyiin caan ka ah Puntland oo masuuliyad daro ku eedeeyey Deni

Caydiid Ali

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo si kulul uga hadlay Mashaqada ka taagan Laascaanood

Caydiid Ali
Taboola Ads ---