Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa ka socda gudaha Teendhada Afisiyooni? (Wararkii ugu dambeeyey)

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada gudoonka Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in caawa ay qabsoomeyso doorashada gudoonka cusub, inkastoo saacado ay dib u dhacday

Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo warbaahinta kula hadlay teendhada Afisiyooni ayaa xusay inuusan jirin wax is-bedel ah ku imaan jadwalkii doorashada Guddoonka.

“Hoolka waxaa lagu diyaariyay Afur, maadama uu dib u dhac saacado ah ku yimid qabsoomida doorashada, lamana kala tagaayo caawa illaa doorashada guddoonka la qabto” ayuu yiri Cabdirisaaq

Waxaa uu beeniyey hadalo soo baxayay oo sheegayay inuu isbedel ku yimid jadwalkii doorashada Guddoonka, kadib markii Xildhibaanada ay la kulmeen caqabado dhowr ah

Qaar ka mid Xildhibaanadii laga soo doortay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa la sheegay iney galeen teendhada Afisiyooni ka dib markii ay taageero ka heleen gudoonka KMG ah ee golaha shacabka inkastoo aan la ogeyn iney doorashada ka qeyb doonaan iyo in kale.

Xildhibaano fara badan ayaa hadda ku sugan Hoolka Afisiyooni, kuwaasoo halkaas ku afuray, waxaana gudoonku sheegay in afurka ka dib la biaabayo doorashada, waxaana weli jira Xildhibaano weli ka maqan fadhifa culeysyo kala duwan oo qabsaday awgeed.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA

Related posts

Wasiir & Masuuliyiin dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerarka Hotelka Elite (Magacyada)

Caydiid Ali

Cumar Cabdirashiid oo si adag uga hadlay Doorashada Xerada Milatari lagu qabtay

Cabdi Cade

Madaxweyne Erdogan oo si caro uga hadlay Heshiiska Imaaraadka iyo Isra’il Hanjabaadna diray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---