Qaar kamid Xildhibaanada gollaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa goordhaw gaaray teendhada Afisiyooni oo lagu wado in ay ka dhacdo doorashada guddoonka gollaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka.
Xildhibaanada gaaray teendhada Afisiyooni ayaa tiro ahaan aad u yar, waxaana la filayaa daqiiqadaha soo aadan in teendhada Afisiyooni gaaraan xildhibaano hor leh oo katirsan Xildhibaanada gollaha shacabka.
Sida aan wararka ku heleyno ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya oo ka amar qaata Farxaan Qaroole ayaa xirtay waddooyinka gala teendhada Afisiyooni, ciidankaasi ayaa la sheegay in Xildhibaanada qaar waddooyinka ka celinayaan.
Xildhibaanada cusub gaar ahaan kuwa aan wadan ilaalada badan ayaa wararku sheegayaan in lagu handado waddooyinka qaar dibna loo celinayo, waxaana ujeedka ciidankan la sheegay in uu yahay in doorashada baaqato iyaga oo fulinaya rabitaanka Villa Soomaaliya.
Xil: Maxamed Abuukar Jacfar oo katirsan xildhibaanada gollaha shacabka ayaa ugu baaqay Xildhibaanada guryahooda jooga in ay yimaadaan teendhada Afisiyooni , waxa uuna sheegay in rejo wanaagsan ka qabaan in maanta doorashada dhacdo.
Doorashada guddoonka gollaha shacabka ayaa weli ku jirta xaalad hubanti la’aan ah, waxaana socda shirar uu hormuud u yahay Ra’isul Wasaare Rooble oo xal loogu raadinayo qabsoomida doorashada guddoonka gollaha shacabka.
Waxii soo kordha kala soco wararkayaga dambe Insha Allah
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.comÂ