Allbanaadir.com
NEWS

Beesha Caalamka oo War kasoo saartay Khilaafka ka taagan Doorashada Guddoonka Gollaha Shacabka

War saxaafadeed wadajir ah oo goordhaw kasoo baxay wakiiladda beesha caalamka  ayaa looga hadlay doorashada Aqalka Sare ee shalay ka dhacday Muqdisho iyo khilaafka hareeyay doorashada guddoonka gollaha shacabka oo maanta lagu wado in ay dhacdo.

Wakiiladda beesha caalamka u jooga Soomaaliya ayaa si diiran usoo dhaweeyay doorashadii shalay ka dhacday teendhada Afisiyooni ee lagu doortay guddoomiyaha Aqalka Sare iyo labadiisa kuxigeen.

War saxaafadeedka kasoo baxay wakiiladda beesha caalamka ayaa lagu booriyay madaxda Soomaalida in geeddi-socodka doorashada  lagu soo gababageeyo si nabdoon lagana fogaado waxkasta oo abuuri kara dib u dhac.

”Kadib dib-u-dhacii dheeraa ee uu lasoo kulmay geeddi-socodka doorashada Soomaaliya, waa in aan loo oggolaan xiisadaha siyaasadeed iyo dhacdooyinka amni inay carqaladeeyaan marxaladda ugu dambeysa ee geeddi-socodka. Waxaan ku boorineynaa dhammaan madaxda Soomaaliyeed inay is-xakameeyaan, khilaafaadkana ay ku xalliyaan isu-tanaasul, kana fogaadaan sii hurinta dhacdo kasta. Arrinta ay Soomaaliya sida degdega ah diiradda u saarayso waa inay ahaato sidii si deggan oo lagu kalsoonaan karo loogusoo gabagabayn lahaa geeddi-socodka doorashada, si markaasi madaxda sida saxda ah loo soo doortay ay wax uga qabtaan arrimaha hortabinta u leh qaranka.” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka.

Warkan kasoo baxay beesha Caalamka u jooga Soomaaliya ayaa imaanaya xilli khilaaf ka jiro doorashada guddoonka gollaha shacabka oo manata lagu wado in ay ka dhacdo teendhada Afisiyooni, khilaafka ayaana salka ku haya xildhibaanada lagu doortay Gedo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Nin si toos ah bar bulsho uga baahinayay dil uu u geesanayay Xaaskiisa hore iyo dad kale

Cabdi Cade

Midowga Musharaxiinta oo ka hadlay Khilaafka Farmaajo iyo Rooble & Doorashadii Afisiyooni

Cabdi Cade

Xukunno kala duwan oo lagu riday Masuuliyiin iyo saraakiil u xirnaa Musuq maasuq (Magacyada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---