Waxaa maanta oo arbaco ah lagu wadaa in teendhada xerada ciidamada cirka ee Afisiyooni ee magaalada Muqdisho ka dhacdo doorashada guddoonka gollaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Doorashada waxaa ku tartamaya musharaxiin badan oo isku soo taagay guddoomiyaha golaha shacabka iyo labadiisa kuxigeen, waxaana musharaxiinta saacadihii lasoo dhaafay wadeen olole aad u xoogan ay ku kasbanayeen codadka xildhibaanada.
Teendhada ay ka dhaceyso doorashada ayaa lagu wadaa in ay gaaraan xildhibaanada wax dooranaya iyo musharaxiinta, waxaa sidoo kale la filayaa in xaruntaasi tagaan masuuliyiin iyo wakiillo katirsan beesha Caalamka.
Sida aan wararka ku helnay ammaanka teendhada Afisiyooni waxaa la wareegay ciidamada ATMIS ay la shaqeenayaan ciidamada ilaalada Ra’isul Wasaare Rooble, waxaa sidoo kale teendhada kusii sugan oo shaqo ka wada shaqaalaha xafiiska Rooble.
Waddooyinka soo gala garoonka xerada Afidiyooni ayaa sidoo kale saakay xiran, waxaana waddooyinkaasi la dhigay ciidamo isugu jira milatari iyo booliis kuwaa oo celinaya gaadiidka dadweynaha.
Guddoonka gollaha shacabka iyo guddiga qaban qaabada doorashada ayaan wali tegin teenadhada doorashada ka dhaceyso, waxaana la filayaa in ay kusoo hormaraan halkaasi si ay usii gudbiyaan liiska Xildhibaanada wax dooranaya sidoo kale qaban qaabo galaan.
Doorashada guddoonka gollaha shacabka ayaa la isku dayayaa in ay baaqato, mana jiro ilaa hada go’aan rasmi ah oo kasoo baxay guddoonka KMG ee gollaha shacabka iyo guddiga qaban qaabada doorashada oo xildhibaanada ballamiyay 10-ka subaxnimo.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waddooyin badan u mareysa sidii maanta doorashada loo baajin lahaa ama ugu yaraan doorashada in ay ka qeyb galaan looga reebi lahaa 16-kursi ee lagu soo doortay magaalada Ceel-Waaq.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.comÂ