Allbanaadir.com
NEWS

Shaqo joojin lagu sameeyay Taliyihii ciidanka Booliiska Soomaaliya (Akhriso Wareegto)

Wasiirka Wasaaradda amniga gudaha Xukuumada Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa wareegto uu soo saaray shaqada uga joojiyay taliyihii ciidanka booliiska Soomaaliya Jen. Cabdi Xasan Xijaar.

Qoraalka kasoo baxay wasiirka amniga ayaa lagu sheegay in sababaha shaqada looga joojiyay taliyaha booliiska ay tahay in uu isku dayay in uu is hortaag ku sameeyo doorashada guddoonka gollaha shacabka ee maanta loo ballansan yahay.

Wasiirka amniga Soomaaliya ayaa sidoo kale ku eedeeyay taliyaha ciidanka booliiska in si cad ugu dhax milmay arrimaha siyaasada gaar ahana doorashooyinka isaga oo u adeegaya dano gaar ah.

Qoraalka kasoo baxay wasiirka amniga ayaa kusimaha taliyaha booliiska loogu magacaabay taliye kuxigeenka booliiska Soomaaliya, waxa uuna wasiirka ku amray ciidanka booliiska iyo nabad sugida in ay ka fogaadaan ku milmida siyaasadda.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Saraakiil Ciidan iyo dad kale oo loo xiray Shirqool lagu dili lahaa Madaxweyne Rajoelina

Cabdi Cade

(Sawirro) Meydka Marxuum Cali Mahdi oo goor dhow Muqdisho laga soo dejiyey

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay geerida Rugcadaa Siyaasadeed oo Muqdisho ku geeriyooday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---