Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddiga doorashada Gudoonka golaha shacabka oo u kala jabay labo garab

Saddex xubnood oo ka tirsan guddiga doorashada guddoonka Golaha shacabka oo la hadlay warbaahinta ayaa soo jeediyey in doorashada gudoonka laga reebo Xildhibaanadii lagu soo kala doortay Ceelwaaq iyo Garbahaarey oo isku heysta kuraasta gobolka Gedo.

Hadalka ka soo yeeray xubnahan ayaa ka dhigan in guddiga doorashada golaha shacabka ay labo garab u kala jabeen, kuwa hadlayna ay toos ugu xirmeen Villa Somalia.

Dhinaca kale. Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa beeniyey wararka ay faafiyeen xubnaha ka midka ah Guddigiisa kuwaasoo ku baaqay in doorashada laga reebo xildhibaanada labada garab ee gobolka Gedo.

C/risaaq ayaa sheegay inuusan waxba ka ogeyn shirka jaraa’id oo ay qabteen xubno ka mida Guddigiisa, isagoo xubnahani ku eedeeyay inay ka leexdeen waajibaadkii loo xilsaaray ayna faraha la galeen howlo aaney shaqo ku laheyn

“Shaqada Guddiga doorashada gudoonka golaha shacabka ka mid maaha cidda Doorashda laga reebayo iyo cida ka qeyb galaysa, Guddoonka KMG ah iyo Xogheynta baarlamaanka ayaa arrimahas shaqo ku leh” ayuu yiri C/risaaq oo warbaahinta la hadlay.

 

 

Related posts

Rooble oo xaliyay Khilaaf soo kala dhax galay Labo Wasiir katirsan Xukuumadiisa

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo arrimo halis ah ku eedeeyey DF

Caydiid Ali

Wasiir Lacag badan xaday oo xukun Cajiib ah lagu riday iyo hadal heyn ka dhalatay !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---