Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muxuu Madaxweyne Farmaajo ka yiri geeridii ku timid Gen. Jaamac Maxamed Qaalib?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib oo ku geeriyooday Dalka Jabuuti.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in Marxuumku uu muddo dheer u soo adeegayey Qaranka Soomaaliyeed, isaga oo dhawr mar xilka wasiirnimo ka soo qabtay dowladdii dhexe sannadihii 1974-1984-kii, waxa kale oo uu soo noqday Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed sannadihii 1970-1974-kii.

“Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Jaamac Maxamed Qaalib waa mid naxdin leh. Marxuumku waxa uu Qaranka Soomaaliyeed u soo adeegayey muddo dheer. Waxa uu xilalka kala duwan oo muhiim ah ka soo qabtay dowladdii Dhexe, isaga oo markii danbe na door muhiim ah ka soo qaatay dadaalladii dowlad-dhiska Soomaaliya.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryey Marxuumka in uu hoygiisa ka dhigo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

 

Related posts

Kaniisad Yuhuudu ku leedahay dalka Maraykanka oo dad badan lagu laayey (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Nin Caado ka dhigtay in uu xado dharka loo xiro caruusada iyo sabab yaab leh oo ka dambeysa

Cabdi Cade

(Sawirro) Dibed-baxii ugu weynaa ee ka dhan ah Israel oo ka dhacay London

Caydiid Ali
Taboola Ads ---