Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shirkii abaaraha Geeska Afrika oo ka furmay Gineva & Rooble oo khudbad ka jeediyey (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xarunta QM magaalada Geneva uga qeyb galay furitaanka Shir heerkiisu sarreeyo oo ku saabsan xaaladda abaaraha ka jira Geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya

Rooble oo khudbad ka jeediyay Shirka Caalamiga ah ayaa si qoto dheer uga hadlay xaaladda abaareed ee dalka ka jirta, isagoo Beesha Caalamka ku boorriyay in si deg deg ah loogu soo gurmado dadka Soomaaliyeed ee abaartu hayso.

Kulankan oo ay ka soo qeyb galayaan madax sarsare iyo wasiirro ka kala socda dalalka deeq bixiyaasha ah ayaa Ra’iisul Wasaaruhu sidoo kale ka warbixiyey xaalada siyaasadeed ee Somalia iyo arrimaha doorashooyinka ka socda dalka.

Ka qeyb galka Ra’iisul Wasaaraha ee Shirka Geneve ee arrimaha abaaraha ayaa ku soo beegmay xilli ay gebogebo mareyso howsha doorashada ee uu hormuudka u yahay, iyadoo maanta la doortay gudoonka golaha aqalka sare halka beri la filayo iney dhacdo doorashada gudoonka aqalka hoose.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Khilaaf cusub oo ka dhex curtay Madaxweyne Xaaf iyo Shiikh Shaakir (Akhriso)

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo hambalyo u diray dhigiisa cusub Barham Saalix

Caydiid Ali

Mareykanka oo ka digay Weerar maanta ka dhaca Kabul iyo Taliban oo talaabo qaaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---