Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Rooble oo amniga Teendhada Afisiyooni ku wareejiyey ciidamada ATMIS/AMISOM

Raisul Wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray ciidamada ATMIS/AMISOM iney la wareegaan amaanka xarunta teendhada Afisiyooni oo la filayo in beri lagu qabto doorashada gudoonka golaha shacabka BFS

“Anigoo tixgelinaya caqabadaha amni ee lagu carqaladeynayo dhammeystirka doorashada, waxaan faray ciidanka nabad ilaalinta ATMIS in ay si degdeg ah ula wareegaan amniga teendhada Afisiyoone si aan u taabba-galinno doorashada guddoonka Baarlamaanka, uguna diyaar garowno doorashada Madaxweynaha bisha soo socota” ayuu yiri Rooble

Hoggaanka ATMIS ayuu sheegay Roble inay si dhow ula shaqeyn doonaan xafiiskiisa iyo Wasaaradaha Amniga, Gaashaandhigga iyo waliba Guddoonka KMG ah ee Baarlamaanka.

“Sidaas darteed, liiska xildhibaannada galaya teendhada Afisiyoone waxaa soo gudbinaya guddoomiyaha KMG ah, kaddibna waxaa hubinaya oo ATMIS u gudbinaya xafiiskeyga” ayuu yiri Rooble.

Talaabadan ayaa u muuqata mid looga hortagayo in fadhiga beri ay ka qeyb galaan Xildhibaano la sheegay in lagu soo doortay Garbahaarey oo gadaal ay gadaal ka riixeyso Villa Somalia.

Related posts

Xaalad adag oo soo wajahday Shidaalkii laga helay dhulka Soomaalida Itoobiya

Caydiid Ali

Aragtida Kala Go’a Soomaaliya iyo Somaliland iyo Waxa ay salka ku heyso !!

Cabdi Cade

War cusub oo laga soo saaray nin toogasho ka geystay Isbitaal ku yaalla Mareykanka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---