Madaxwaynaha Dalka Rwanda Mudane Paul Kagame ayaa warqadaha aqoonsiga ka gudoomay Danjiraha Somalia Zahra Cali Xasan.
Danjire Zarha Cali Xasan ayaa fadhigeedu yahay magaalada Dar es Salaam ee Dalka Tanzania.
Waraaqadaha maanta laga gudoomay Danjire Zahra ayaa ah in ay dalkii labaad u noqonayso Danjire.
Danjire Zahra ayaa sidoo kale Madaxweynaha Dalka Rwanda u gudbisay dhambaal hambalyo ah oo ay uga siday Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullahi (Farmaajo).
Dhanka kale Danjire Zahra ayaa xustay in door weyn ay ka qaadan doonto xoojinta iyo dib u soo nooleynta xiriirka qotoda dheer ee u dhaxeeyay labada dal ee walaalaha ah.