Allbanaadir.com
NEWS

Wareeg labaad oo loo aaday doorashada Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Aqalka Sare

Doorashada Guddoomiye kuxigeenka koobaad ee Aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa mar kale lagu celiyay, kaddib markii guddiga doorashada guddoonka Aqalka sare go’aankaasi isla gaareen.

Wareegii hore ee doorashada ayaa labada musharax ee kala ahaa Cali Shacbaan Ibraahim iyo Cabdixakiin Maxalin Axmed kala heleen min 27-cod hasa ahaatee mid kamid ah waraaqaha loogu codeeyay Cali Shacbaan ayaa la sheegay in ay halowday.

Guddiga doorashada oo daqiiqado badan shir u socday ayaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray in doorashada mar kale lagu laabto, waxaana hada dib u bilaabatay dooarshada labada musharax isku hayaan.

Doorashada guddoomiye kuxigeenka koobaad ee Aqalka Sare ayaa noqotay mid adag oo xamaasad badan, waxaana la saadaalin karin wareega labaad musharaxa doorashada kusoo bixi doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Jubbaland oo dhaleeceysay amar ay bixisay dowlada Somalia

Caydiid Ali

Madaxtooyada Puntland oo boggaadisay doorasho maanta ka dhacday magaalada Qardho

Cabdi Cade

Bangiyada Dalka oo iska diiday in Lacago Laaluush ah la dhax mariyo iyo Caqabad soo korortay !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---