Ciidamo isugu jira booliis iyo Nabad Sugid ayaa lagu soo waramayaa in ay xoog kula wareegeen xarunta Villa Hargeysa gaar ahaan xafiisyadii ay ku shaqeenayeen shaqaalaha Baarlamaanka iyo guddida qaban qaabada doorashada guddoonka gollaha shacabka.
Sida aan wararka ku helnay ciidamada booliiska iyo Nabad Sugida ayaa xiray xafiiskii uu kuĀ shaqeenayay Xoghayaha Baarlamaanka Soomaaliya Cabdikariin Buux, waxa ay sidoo kale ciidamada dibadda usoo saareen shaqaalihii xaruntaasi ku sugnaa.
Ciidamadan oo si toos ah uga amar qaadanayay xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in ay kasoo horjeedeen in kaararka aqoonsiga Xildhibaanimo loo sameeyo xildhibaanadii lagu soo doortay Ceel-Waaq ee shalay lagu dhaariyay Muqdusho.
Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada doorashada Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in ciidamo ay hoggaaminayeen Yaasiin Farey iyo Farxaan Qaroole soo weerareen xarunta Villa Hargeysa halkaasna xoog kula wareegeen qalabkii lagu shaqeebayay.
Waxa uu sheegay Xildhibaanka in ammarka weerarkan uu bixiyay Madaxweyne Farmaajo uu tilmaamay in uu doonayo in la baajiyoĀ doorashada guddoonka gollaha shacabka ee lagu wado in ay beri dhacdo iyo sidii loo carqaladeyn lahaa doorashada .
Weerarkan ayaa imaanaya xilli xalay sidoo kale guddoomiyaha KMG ee gollaha shacabka ka badbaaday weerar la sheegay in ay ku qaadeen ciidamo katirsan Nabad Sugida kuwaa oo doonayay in ay waxyeelo gaarsiiyeen guddoomiyaha.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.comĀ