Allbanaadir.com
NEWS

Ra’idul Wasaare Rooble oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Geneva (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday xarunta Safaaradda JFS ee magaalada Geneva ahna ergada joogtada ah ee Qaramada Midoobay.
 
Rooble ayaa xarunta safaarada uu booqday kula kulmay safiiradda Soomaaliya u fadhisa dalka Switzerland Marwo Ebyan Maxamed Saalax iyo diblomaasiyiinta safaaradda ka howlgala..
 
Ra’iisul Wasaaraha oo warbixin ku saabsan shaqada safaaradda ka dhageystay safiiradda ayaa ku bogaadiyay howlwadeennada safaaradda shaqada adag ee ay ku matalayaan qaranka, isagoo dhiirrigeliyay in ay sii laba jibbaaraan.
 
Rooble ayaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan kusoo laabto magaalada Muqdisho, waxa uuna Ra’isul Wasaaraha Magaalada Geneva ee dalka Switzerland uga qeyb galay shir caalami ah oo looga hadlayay abaaraha ba’an ee ka jira Geeska Afrika

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Maraykanka oo ka jawaabay hadal ka soo yeeray hogaamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab

Caydiid Ali

Amiir katirasanaa kooxda Daacish oo lagu Celiyay dalka Mareykanka

Cabdi Cade

Al Shabaab oo Goob fagaare ah ku toogtay afar nin oo Eedeeyeen (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---