Allbanaadir.com
NEWS

Madaxda Dowlad Goboleedyada qaar oo dhaqaale ku bixiyay Doorashada Guddoonka Aqalka sare

Waxaa goordhaw lagu wadaa in si rasmi ah doorashada guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya uga bilaabato teendhada Afisiyooni, waxaana halkaasi gaaray senatarada guddoonka dooranaya iyo masuuliyiin kale.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ka socday olole xooggan ay wadeen musharaxiinta u taagan xilka guddoonka Aqalka Sare , waxaa sidoo kale ololaha qeyb ka ahaa madaxda maamul goboleedyada qaar iyo musharaxiin Madaxweyne.

Madaxweynayaasha maamulada Galmudug iyo Hirshabelle ayaa la sheegay in ay si weyn u wadeen olole ay ku doonayaan in mid kastaahi Senator matalaya deegaankaasi kusoo baxo doorashada guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Aqalka Sare.

Sida ana wararka ku helnay madaxdan ayaa dhaqaale ku bixinayay doorashada guddoonka Aqalka Sare gaar ahaan guddoomiye kuxigeenka 1-aad ay ku tartamayaan labo musharax oo kasoo kala jeeda Galmudug iyo Hirshabelle.

Musharaxiinta Madaxweynaha iyo Villa Soomaaliya ayaa sidoo kale wararku sheegayaan in ay qeyb ka ahaayeen ololaha doorashada guddoonka Aqalka sare, waxa ayna qolo kasta dhaqaale ku bixineysay musharaxiinta ay sida gaarka ah u wataan.

Doorashada Madaxweynaha iyo tan guddoonka gollaha shacabka ayaa tijaabo waxaa u noqon doonta mida Aqalka Sare ee maanta dhaceysa, waxaana musharaxiinta tartameysa siyaabo kala duwan u taageeraya Villa Soomalaiya , Musharaxiin iyo dowlad goboleedyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo wax ka bedeshay wajiga labaad ee Dagaalka ka dhan ah Al Shabaab

Cabdi Cade

Jilaa dilay Hooyadiis sidoo kale qorsheeyay Dilka Ra’isul Wasaare oo xukun lagu riday

Cabdi Cade

Ruto oo soo saaray go’aano ka farxiyey shacabka Kenya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---