Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay Doorashada Guddoonka Aqalka Sare (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta oo talaado ah lagu wadaa in teendhada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho lagu qabto doorashada guddoonka Aqalka sare ee Baarlamaanka federaalka, waxaana doorashada ku tartamaya musharaxiin badan oo saameyn leh.

Xubnaha guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka Aqalka Sare ayaa gaaray teendhada Afisiyooni  ee lagu wado in ay ka dhacdo doorashada, waxaa sidoo kale lagu wadaa in halkaasi gaaraan senatarada Aqalka Sare ee wax dooranaya.

Ammaanka wadooyinka gala garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa si weyn loo adkeeyay , waxaana sidoo kale ammaanka teendhada doorashada ka dhaceyso si weyn u adkeenayaa ciidamo katirsan howlgalka ATMIS.

Musharaxiinta u taagan xilka guddoonka gollaha Aqalka Sare ayaa saacadihii lasoo dhaafay waday olole aad u xoogan, waxaana xubnahan siyaabo kala duwan codadka u weediisanayeen senatarada guddoonka ku tartamaya.

Doorashada Guddoonka waxaa ku tartamaya musharaxiinta kala ah

Guddoomiyaha Aqalka Sare

  1. Sen. Saalax Axmed Jaamac oo hadda ah Wasiirka Dastuurka XFS.
  2. Sen. Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Aqalka Sare.
  3. Sen. Cusmaan Abokor Dubbe oo ah Wasiirka Warfaafinta XFS.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad 

  1. Sen. Cabdixakiin Macalin Axmed.
  2. Sen. Cali Shacbaan Ibraahim.

Guddoomiye ku xigeenka labaad 

  1. Sen. Ilyaas Badel Gaboose.
  2. Sen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)
  3. Sen. Cabdullaahi Cali Xirsi ( Tima Cadde)
  4. Sen. Cabdi Cusmaan Xareed
  5. Sen. Sareedo Maxamed Xasan Jeyte
  6. Sen. Cabdiweli Maxamed Ibraahim (Xaabsade)
  7. Sen. Xasan Xuseen Xaaji.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Xisbiga Weyn ee Nabad iyo Nolol oo lagu dhawaaqayo iyo Mahdi Guuled oo…

Cabdi Cade

Ciidamadii ugu Xooganaa in mudda ah oo la diyaarinayo iyo gudiga doorashooyinka Soomaaliyeed oo hadlay lana kulmay….

admin

Howlgal daba dheeraaday oo weli ka socda agagaarka Hotel Maka Al-Mukarama (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---