Allbanaadir.com
NEWS

Afhayeenkii hore ee maamulka Galmudug oo ku xiran Xabsi kuyaala Muqdisho

Dowlada Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay Afhayeenkii hore ee maamulka Galmudug Cabdulaahi Xaashi Faarax oo dhawaan shaaciyay in ciidamo katirsan Nabad sugida jirdil iyo tacadiyo kale u geesteen.

Muuqaal laga duubay Afhayeenkii hore ee maamulka Galmudug ayuu ku sheegay in ciidanka Nabad sugida jir dil kadib ka qaadeen sawiro isaga oo qaawan uguna hanjabeen in ay baahin doonaan hadii uu Madaxda dowlada wax ka sheego.

Hadalkan uu sheegay Afhayeenka ayaa la sheegay in uu ka careesiiyay Saraakiisha laamaha amaanka dowlada Soomaaliya, waxaana afar maalin kahor looga yeeray xarunta Hay’ada Dambi baarista CID halkaas oo weydiimo kadib lagu xiray.

Sida aan Wararka ku heleyno Afhayeenkii hore ee maamulka Galmudug ayaa laga wareejiyay xarunta CID-da waxaana hada ku xiran yahay Xabsiga dhaxe ee Xamar, mana jiro ilaa hada wax Maxkamad ah oo lasoo taagay Cabdulaahi Xaashi.

Muuqaalo laga duubay Afhayeenkii hore ee maamulka Galmudug ayaa dood badan ka dhaliyay baraha bulshada, waxa ayna dadka qaar sheegeen in warka Afhayeenka uu yahay been abuur halka kuwa kalana sheegeen in macquul tahay jiritaanka waxa uu sheegay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xabaal wadareedyo lagu aasay boqolaal qof oo laga helay gobolka Rakhine (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamo Itoobiyaan ah oo gaaray Hargeysa iyo Ujeedka ay u tageen oo la ogaaday

Cabdi Cade

Catriona Laing: “Somalia horey uma socon karto haddii aysan Puntland qeyb ka aheyn”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---