Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Axmed Karaash oo ka jawaabay hadalkii Deni, soona daliishaday qodobada dastuurka Puntland

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa ka jawaabay talaabadii uu Deni kaga hor yimid wareegtooyin magacaabis ah oo isagu uu soo saaray.

Deni ayaa sheegay in wareegtooyinka uu xilalka ku magacaabay Axmed karaash ay yihiin kuwo sharci daro ah, isagoo ku baaqay inaan la dhaqan gelinin oo dhegaha laga fureysto.

Axmed Karaash oo daba jooga hadalka Deni ayaa soo daliishaday qodobo ku yaalla dastuurka Puntland oo awood u siinaya isaga inuu xilal magacaabo marka Madaxweynaha ay ku timaado xaalad sababeysa xil gudasho la’aan.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA UU SOO SAARAY AXMED KARAASH

Waxaan shacabweynaha Puntland ku bogaadinayaa fahamkooda qotada-dheer ee ay u leeyihiin Dastuurka Puntland. Hadaba, anigoo dhawraya kuna dhaqmaya Dastuurka Dawladda Puntland iyo Qawaaniinta Dalka, waxaan shacabka sharafta badan ee reer Puntland la wadagayaa:

  1. In qoraalka ka soo baxay Madaxweynaha Dawladda Puntland uusan waafaqsanayn Dastuurka iyo Qawaaniinta Dawladda Puntland maadaama uusan Madaxweynuhu hadda ku sugnayn Dhulka iyo Sohdimaha Dawladda Puntland sida ku cad Qodobka 7-aad farqadiisa 1-aad ee Dastuurka Dowladda Puntland oo dhigan sidan “ Dhulka Puntland waxa uu ka kooban yahay gobollada Bari, Nugaal, Sool, Cayn, Karkaar, Mudug, Heylaan, Sanaag” iyo Gobolka Gardafuu oo lagu ansixiyey lifaaq gaar ah”  taas oo lagu soo koobay Dadka Puntland, Dhulka Puntland iyo Sohdimihiisa.
  2. Dastuurka Dawladda Puntland wuxuu Dal ku qeexayaa gudaha dhulka iyo sohdimaha Puntland sida ku cad Qodobadiisa kala ah, qodobka 9-aad, farqadiisa 2-aad, qodobka 103-aad, farqadiisa 4-aad, qodobka 105-aad, farqiisa 2-aad xarafka (b). Hadaba, mas’uul kasta oo Puntland ka haya xil dawladeed kuna dhaartay dhaarta dastuuriga ah ee ku cad qodobka 132-aad oo aan ku sugnayn dhulka iyo sohdimaha Dawladda Puntland, sida uu qabo Dastuurku qodobkiisa 7-aad ma dabakhi karo awoodaha iyo mas’uuliyadaha uu Dastuurku farayo maadaama uusan ku sugnayn Dhulka iyo Sohdimaha Puntland.
  3. Si la mid ah qodobada kor ku xusan, qodobka 132-aad wuxuu si cad u qeexayaa Dhaarta rasmiga ah ee Masuuliyiinta Dawladda sida Madaxweynaha iyo Madaxweynaha Kuxigeenka lagu dhaariyo, dhaartaas oo ah midda aan la’aanteed masuul xil qaban, gudanna karin, kana dhigan in masuul kasta oo lagu dhaariyo uu ilaaliyo, tixgaliyo isla markaasna ku dhaqmo oo dhawro dhartaas oo u dhigan sidan. “Waxaan ku dhaaranayaa magaca Illaahay, in aan ku dhaqmo Diinta Islaamka, Dastuurka dalka Puntland iyo qawaaniintiisa dhawro, xilka la ii dhiibay daacadnimo u guto, dalka iyo dadkiisana Lillaahi ugu adeego”.
  4. Hadaba, qeexitaanada qodobada dastuuriga ah iyo ku-dhaqanka waajibaadka iyo awoodaha Dastuuriga ah ma aha kuwo sidii la doono loo fasiran karo. Sidaas awgeed, Magacaabistii Ma’suuliyiinta iyo Hawl-wadeenada Shaqaalaha Rayidka ah waxaan u maray nidaam sax ah oo waafaqsan Dastuurka iyo Qawaaniinta Dawladda Puntland si gaar ah Qodobka 81-aad farqadiisa 1-aad iyo Qodobka 37-aad, farqadiisa 1-aad. Hadaba diidmada  uu samayeey Madaxweynaha ka maqan dhulka iyo sohdimaha  Puntland ma leh awood sharci waxayna baalmarsantahay Dastuurka iyo Qawaaniinta Dawladda Puntland. Sidaas darteed Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha magacaaban waxay leeyihiin xaquuq sharci  oo dastuuri ah.
  5. Ugu danbayntii; Waxaan farayaa dhammaan Hay’adaha Dawladda ay khusayso in ay u hoggaansamaan fulinta iyo dhaqangalinta digreetada sharciga waafaqsan, isla markaana ay gutaan waajibaadka ka saaran.

Wabillahi Tawfiiq.

Related posts

Warbaahinta Qaranka oo diiday faafinta qoraalkii caawa ka soo baxay Farmaajo

Caydiid Ali

Wafdi ka socda Raisul Wasaaraha Itoobiya oo ka degay Magaalada Hargeysa

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Xafiiska Ergada Soomaaliya ee Ururka Iskaashiga Islaamka oo xarigga laga jaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---