Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo si adag uga hor yimid Magacaabistii uu sameeyay Axmed Karaash (Akhriso)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goordhaw qoraal uu soo saaray waxa uu uga hor yimid wareegtooyin magacaabis ah uu saacadihii lasoo dhaafay sameeyay Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Karaash.

Siciid Deni ayaa sheegay in aanaysan dhaqangal ahayn wareegto kasta ee uu soo saaro Madaxweyne kuxigeenka maamulka Puntland Axmed Karaash isaga oo ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya.

“Anigoo ah Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, dhawrayana masuuliyadda iga saaran illaalinta sareynta sharciga sida ku cad Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 80-aad, farqaddiisa 2-aad, fulinayana awoodaha Dastuuriga ah ee ku cad qodobka 80-aad, waxaan halkaan ku caddeynayaa in aanaysan dhaqangal ahayn wareegto kasta ee uu soo saaro Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland aniga oo ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya.” ayuu ku yiri qoraalka uu soo saaray.

Madaxweynaha Puntland ayaa faray dhammaan hay’addaha kala duwan ee maamulka Puntland iyo masuul kasta uu qabsado shaqadiisa dhagahana ka fureestaan wareegtada xil ka qaadista iyo magacaabista uu maanta sameeyay kuxigeenkiisa.

”Haddaba, waxaan farayaa dhammaan hay’adaha Dowladda in qofkastaa shaqadiisa qabsado, aanna loo hogaansamin wareegto kasta oo aan waafaqsaneyn Dastuurka iyo Qawaaniinta kale ee Dowladda Puntland sida ku cad qodobka 138-aad, farqaddiisa 2-aad ee Dastuurka Puntland.” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Qoraalkan kasoo baxay Madaxweynaha Puntland ayaa imaanaya xilli maanta Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Karaash oo horey u sheegay in talada Puntland la wareegay uu sameeyay xil ka qaadis iyo magacaabis tiro badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Ciidamo badan oo dalka Dibadiisa lagu soo tababaray oo Muqdisho laga soo dejiyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Jowhar: Maxay ka wada hadleen Cali Guudlaawe & Wakiilka QM ee Somalia? (Sawirro)

Caydiid Ali

Danjire Cali Cagabaruur oo la dardaarmay ciidamo tababar loo soo xiray (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---