Waxaa maanta la dhaariyay xildhibaanadii dhawwaan lagu soo doortay degmada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo, kuwaa oo horey guddiga doorashooyinka heer federaal u siiyeen shahaadada cadeeneysay in ay xildhibaano rasmi ah yihiin.
Guddoonka KMG ee gollaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka ayaa galabta lagu hor dhaariyay 16-xildhibaan oo deegaan doorashadooda aheyd maamulka Jubbaland gaar ahaan lagu soo doortay degmada Ceel-Waaq.
Xildhibaanadan maanta la dhaariyay ayaa la filayaa in ay kamid noqdaan xildhibaanada gollaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka ayna ka qeyb galaan doorashada guddoonka gollaha shacabka oo lagu wado in Arbacada dhacdo.
Dhaarinta Xildhibaanadan lagu doortay Ceel-Waaq ayaa imaanaya xilli Madaxweyne Farmaajo horey sharci daro ugu tilmaamay Xildhibaanada lagu kala doortay Ceel-Waaq iyo Garbahaarey sidoo kale ku baaqay in aan la dhaarin oo aysan cod ku yeelan Baarlamaanka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com