Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Labo ruux oo dil loogu geystay degmada Afgooye & faahfaahino ka soo baxaya

Xaafada Doolaale oo ka tirsan degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose waxaa maanta barqadii lagu dilay laba Ruux oo shacab ah sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Dabley bastoolado ku hubeysan ayaa fuliyey dilka labada Ruux oo Magacyadooda lagu kala sheegay Cumar Gaduudow iyo Qaasim.

Ragga la dilay mid ka mid ah waxaa la sheegay inuu la shaqeyn jiray Guddoomiyaha degmada Afgooye, halka mid kale uu gacan yare u ahaa Guddoomiyaha Xaafada Doolaale ee degmada Afgooye sida dadka degaanku sheegeen.

Booliska degmada Afgooye ayaa tegay goobaha ay dilalkan ka dhaceen, iyagoo halkaasi ka sameeyay howlgallo ay ku baadi goobayaan kooxihii ka dambeeyay dilkaas oo baxsaday.

 

Related posts

Dad ay Soomaali ku jiraan oo lagu xir xiray magaalada Nairobi iyaga oo Shiishad cabaya

Cabdi Cade

Xuseen Iidow oo mar kale loo doortay Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka

Cabdi Cade

Somaliland oo soo bandhigtay Dambiyada loo heesto gabar ku xiran magaalada Hargeysa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---