Allbanaadir.com
NEWS

Shaqo joojin lagu sameeyay Maareeyihii Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Somalia

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumada Soomaaliya Maxamed C/llaahi Oomaar ayaa shaqada looga joojiyay Maareeyaha Guud ee Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle).

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Wareegtada kasoo baxday laguma cadeyn sababaha rasmiga ah ee shaqada looga joojiyay Yuusuf Jaalle oo kamid ahaa xubnihii ololaha u waday Madaxweyne Farmaajo xiligii doorashada.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in shaqo ka joojinta lagu sameeyay Maareeyaha Guud ee Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya ay salka ku heyso is qab qabsi u dhaxeeya Shirkadaha Diyaaradaha dalka oo ka dhashay arimaha xajka.

Halkan ka Ahhriso Wareegtada Shaqada looga joojiyay Yuusuf Jaalle

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Soomaaliya oo magacaabay la taliye cusub

Caydiid Ali

(Akhriso) Natiijada doorashadii ka dhacday degaano ka tirsan Puntland oo la shaaciyey

Caydiid Ali

(Sawirro) Mareykanka oo maxkamad soo taagay rag loo heysto iney lacago siiyeen..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---