Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qiyaastii 100 Soomaali ah oo lagu xirxiray dal bartamaha Afrika ku yaalla

Ku dhawaad boqol dhalinyaro ah oo Somali ah ayaa lagu xiray xabsiyo kala duwan oo ku yaala wadanka Zambia.

Dhalinayaradan oo isugu jira wiilal iyo gabdho ayaa waxaa loo tahriibinayay wadanka South Africa, iyaga oo ka yimid dhinaca Somalia iyagoo raadinaya shaqooyin iyo nolol dhaanta tan dalkooda.

Guddoomiyaha Jaaliyada Somalida ee Zambia Maxamuud Maxamed (Hiiraan) ayaa sheegay in dhalinyaradaas la dayacay ka dib markii ay ka dhuunteen ragii tahriibinayay.

Waxaana socda dadaal lagu doonayo in dhalinyaradaas looga sii daayo xabsiyada kaasoo ay wadaan safaarada Soomaalida ee Lusaka iyo Jaaliyada Soomaalida ee dalkaas ku nool.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Mahdi Guuleed oo ka hadlay xukunka badda ee ka soo baxay Maxkamada ICJ

Caydiid Ali

DEG DEG: Farmaajo oo faragelin bilaabay & doorashadii xubnaha Somaliland oo dib loo dhigay

Caydiid Ali

Al-shabaab oo dagaalyahano badan looga dilay Weeraro dhinaca cirka ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---