Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Meydka Kibaki oo lagu soo bandhigay Nairobi & Madaxweyne Kenyatta oo (Sawirro)

Xarunta Baarlamanka Kenya ayaa waxaa saaka la geeyey Maydka Madaxweynihii hore ee Kenya Emilio Mwai Kibaki oo geeriyooday maalmo ka hor si shacabka dalkaas loogu ogolaado daawashadiisa laga bilaabo 25-ka Abriil ilaa Arbacada, 27-ka Abriil 2022,

Meydka Emilio Mwai Kibaki ayaa gaari `lagu dhex mariyey wadooyinka Nairobi waxaana la geeyey dhismaha baarlamaanka halkaasoo meydka lagu booqan doono muddo saddex maalmood ah, laga bilaabo maanta.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo Marwada Koowaad ee dalka Margaret Kenyatta ayaa gaaray Xarunta Baarlamaanka ee Magaalada Nairobi si ay u arkaan meydka Kibaki.

Madaxweynihii hore ee Kenya ee Mwai Kibaki ayaa geeriyooday JImcihii isagoo 90 jir ah.

Kibaki wuxuu ahaa madaxweynihii seddaxaad ee soo mara Kenya, wuxuuna xilka hayay muddo 10 sano ah oo u dhexeeysay 2002- 2012-kii.

Madaxweynaha Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inuu dalka galay xaalad baroor diiq qaran ah inta laga aasayo Madaxweynaha hore iyadoo Calanka dalkaasi hoos loo dhigay.

Related posts

Madaxweynihii hore ee Somalia oo ka hadlay iscasilaada Guddoomiye Jawaari

Caydiid Ali

Madaxweyne Laftagareen oo la kulmay Wafdi uu hoggaaminayay Tammaam Aloudat

Cabdi Cade

Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho & gaari lagu rasaaseeyey degmada Afgooye

Caydiid Ali
Taboola Ads ---