Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in wali sii xoogeesanayaan xiisada u dhaxeysa Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ee degan dalka Itoobiya, waxaana saacadihii lasoo dhaafay labada dhinac iska dileen dad badan.
Sida aan Wararka ku heleyno deegaan lagu magacaabo Guuleed oo kuyaala xadka ismaamulada Soomaalida iyo Oromada ayaa lagu gowracay shan ruux oo Soomaali ah, waxaana gowracaasi ka dambeeyay dabley hubeesan oo Oromo ah.
Nabadoon Maxamed Maxamuud oo kamid ah waxgaradka Soomaalida Itoobiya ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay shanta ruux ee lagu gowracay Deegaanka Guuleed, waxa uuna xusay Nabadoonka in wali xiisad dagaal uu jiro.
Soomaalida iyo Oromada Itoobiya ayaa waxaa ka dhaxeeya dagaal iyo is ugaarsi, waxaana xiisada labada dhinac u dhaxeysa uu kusii faafayaan deegaano hor leh oo kuyaala dalka Itoobiya.
Dowlada Itoobiya ayaa ku guul dareesatay in xal ka gaarto xiisada u dhaxeysa Soomaalida iyo Oromada, waxa ayna xiisadan noqotay mid kusoo noq noqotay deegaanada ay wada degaan labada Qowmiyadood.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com