Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Bandow afar cisho soconaya oo lagu rogay xeyndaabka garoonka Aadan cadde

Howlgalka AMISOM/ATMIS, ayaa sheegay in bandow socon doona afar cisho ah ay ku soo rogeen xerada Xalane iyo guud ahaan garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho

Qoraal ka soo baxay ATMIS ayaa lagu sheegay in laga bilaabo 25 ilaa 28 bishan aynu ku jirno ay xaalad bandow ay ku soo rugeen  xeyndaabka garoonka Aadan Cadde.

Bandowgan ayaa saameyn doona dhammaan goobaha ay degan yihiin ATMIS, xarumaha UN-ka iyo dhammaan safaardaaha degan gudaha garoonka dayuuradaha.

ATMIS, ayaa sheegtay inay bilaabi doonaan roondo joogto iyo baro ciidan oo gudaha garoonka laga sameyn doono.

Hadalka ATMIS ayaa ku soo beegmaya xili guddiga qabanqaabada doorashada gudoonka golaha shacabka ay sheegeen in doorashada Guddoomiyaha iyo ku-xigeenada Golaha shacabka lagu qaban doono teendhada Afisiyooni oo ku taalla xeyndaabka garoonka Aadan cadde 27-ka bishan Abriil.

Related posts

Itoobiya oo markii ugu horeysay taariikhda yeelaneysa Raisul Wasaare Muslim ah

Caydiid Ali

Booliska Puntland oo laga xil wareejiyey amniga Garowe iyo sababta keentay (Akhriso)

Caydiid Ali

Puntland oo digniin adag u dirtay DFS kana hadashay tallaabo ay qaaday

Cabdi Cade