Soomaaliya ayaa noqotay dalka labaad ee dunida ugu taranka badan, halka kaalinta koowaadna uu haysto dalka Niger oo tiro aad u yar dheer.
Sahamin la sameeyey shantii sanno ee u dhexeeyey 2015 illaa 2020, waxaa lagu ogaaday in celcelis ahaan qoys kasta oo Soomaaliyeed uu ka koobanyahay in ka badan 6 carruur ah (6.1), halka dalka Niger oo kaalinta koowaad ah ay hooyo kastaa celcelis ahaan dhasho toddoba carruur ah (7), dalka Congo oo kaalinta saddexaad ku jirana ay hooyo kastaa celcelis ahaan dhasho ku dhowaad lix carruur ah.
Tarantu waxa ay ka mid tahay meelaha ugu badan ee laga qiimeeyo sii jiritaanka ummadeed iyo horumarka ay ku tallaabsan karto, haddii laga faa’ideeyo cududda dhalinyarta ah oo ay bulshadu u badato. Sida oo kale waxa ay keentaa khataro xasilooni darro iyo in colaaduhu demi waayaan, haddii aanay helin nidaamyo dawladeed oo uga faa’ideeya waxbarashada, shaqo abuurka, barnaamijyo higsi leh oo himilo abuuraya iwm.
In tirada Carruurta dhalanaysaa ay ka badato tirada dadka dhimanaya ayaa iyaduna kaalin weyn ka qaadata kobocaa bulshada, waxa aanay saamayn togan ku yeelataa horumarka dalka iyo xasiloonidiisa dhaqaale.
Dalalka ay sahamintani muujisay in ay ugu taran yar yihiin ayaa ah qaaradda Yurub oo ugu badnaan 2 carruur ah oo keli ahi celcelis ahaan ku soo biiraan qoyska. Si kastaba ha ahaato ee dadka dunida ugu taranta yar ayaa noqday Koonfurta Kuuriya oo celcelis ahaan hooyo kasta ay ku soo beegmayso tiro ka yar hal (0.9).
Sida ku cad xogta bangiga adduunka, taranta adduunka ayaa celcelis ahaan sannadkii 2019 noqonaysay 2.4 carruur ah hooyo kasta, taas oo aad uga yar heerkii tarantu ahayd 1950 kii oo celcelis ahaan ay qoys kasta ku soo biiri jireen 4.7 carruur ahi. Waxaana hoos u dhacaas ugu sii liita dalalka sida aadka ah dhaqaalaha uga horumaray, sida Yurub, Usatareeliya iyo Koonfurta Kuuriya.
Sababaha ugu badan ee hoos u dhacaas waxaa ka mid ah, isticmaalka dawooyinka iyo hababka lagu xakameeyo Dhalmada oo dunida ku soo badanaya iyo heerka waxbarashada dumarka oo kor u kacday, isla markaana uu ku batay fikirka ah in gabadhu ay Dhalmada ka hor samaysato xirfad iyo nolol dhaqaale oo u gaar ah.
Source: World Population Review / World bank.
Kamaal Marjaan
https://www.youtube.com/watch?v=9ezvDZo1xs4&t=166s