Sirdoonka Itoobiya ayaa sheegay inay xireen 34 qof oo laga shakisanyahay inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab ee inta badan ka dagaalama gudaha Somalia
Dadkan laga shakisan yahay ayaa waxay qorshaynayeen inay weerraro ka gaystaan magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa iyo gobollo kale Sida lagu baahiyay wakaaladda wararka Itoobiya ee ENA
Saraakiisha amaanka sheegay in dadkaasi lagu  xirxiray howlgal wadajir ah oo ciidammada ammaanka ka sameeyeen gobollada Soomaalida iyo Oromada.
Xubnaha la xiray ayaa laga helay guryahooda Hoobiyayaal, Rasaas iyo Hub kale, waxayna sidoo kale wateen dukumentiyo iyo Lacago sida laga soo xigtay saraakiisha amaanka Itoobiya.
https://www.youtube.com/watch?v=9ezvDZo1xs4&t=166s