Madaxweynaha dib loo doortay ee dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa magacaabay Golihiisa cusub ee Wasiirada, waxaana Wasaaradaha ugu muhiimsan Xukuumadiisa u magacaabay xubno aad ugu dhaw dhaw.
Erdogan ayaa Wasiirka Wasaarada Maaliyada dowladiisa u magacaabay wiilka uu Sodoga u yahay ee Berat Albayrak oo ah nin dhalinyaro ah kana mid ah xubnaha aadka ugu dhaw Madaxweynaha.
Dadka Turkiga ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Xilkan muhiimka ah uu Madaxweynaha Turkiga u magacaabay Wiilka qaba gabadhiisa, waxa ayna dadka qaar sheegeen in maamulka dalka koox gaar ah oo xigto ah gacanta u galay.
Kadib magacaabista Madaxweynaha Turkiga uu Berat Albayrak u magacaabay Wasiirka Maaliyada ayaa durba lacagta Turkiga ee lira ayaa in kabadan boqolkiiba labo qiimeheedu hoos u dhacay.
Madaxweynaha Turkiga ayaa shalay markii xilka si rasmi ah loogu caleemo saaray durba ku dhawaaqay golihiisa cusub ee Wasiirada, waxaana Xukuumada cusub ku jira xubno aad ugu dhaw Madaxweynaha.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com