Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ciidamo badan oo kasoo jeeda dalka Itoobiya oo Maganglyo weediistay dowlada Sudan

Boqolaal askari oo katirsan ciidamada Itoobiya gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Qowmiyada Tigrey oo howlgal nabad ilaalin ah u joogay dalka Sudan ayaa diiday in dalkooda ku laabtaan, waxa ayna ciidankan magangelyo weediistay dowladda Sudan.

Ciidamadan diiday in dalkooda lu laabtaan ayaa sheegay in naftooda la cabsanayaan hadii ay ku laabtaan dalkooda uu ka socdo dagaal, waxa ayna taa badalkeeda dalbadeen in ay joogaan dalka Sudan .

Qaar badan oo kamid ah ciidamada Itoobiya ee howlgalka u joogay dalka Sudan ayaa dib ugu laabtay dalkooda, hasa ahaatee ciidankan ka badan 500-askari oo kasoo jeeda Tigrey ayaa diiday in ay ku laabtaan dalkooda.

Afhayeen u hadlay nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ciidankan kasoo jeeda Tigrey magangalyo weediisteen Sudan, waxa uuna xusay in aysan weli helin magangalyo , waxa uuna xusay in Qaramada Midoobay arintan gacan ka geesan doonto.

“Tiro nabad ilaalin ah ayaa doortay inaysan laaban, waxayna raadinayaan ilaalin caalami ah, waxaa lagu ilaalinayaa meel ammaan ah oo ay leedahay Qaramada Midoobay”, mas’uuliyadda bixinta magangelyo waxay saaran tahay mas’uuliyiinta Suudaan oo ay ka caawinayso hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga UNHCR ee qaabilaadda dadkaas.” ayuu yiri afhayeenka .

Ciidamada diiday in ay ku laabtaan Itoobiya ayaa kasoo horjeeda duullaanka ciidamada federaalka ku bur buriyeen maamulkii Tigrey, waxa ayna ciidankan ka baqayaan hadii dalkooda ku laabtaan in la beegsado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

https://www.youtube.com/watch?v=9ezvDZo1xs4&t=166s

Related posts

“Maxaa ka qaldamay Madaxweyne Muuse Biixi?” (Senator Cusman Dubbe)

Caydiid Ali

Muuse Biixi oo loo bandhigay naqshad casri ah oo loo dhisayo Suuqa Waaheen (Sawirro)

Caydiid Ali

Faahfaahino ka soo baxaya dagaal khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Jowhar

Caydiid Ali
Taboola Ads ---