Allbanaadir.com
NEWS

Dil Argagax leh oo ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino laga helayo

Dil dad badan ka argagaxeen ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay Degmada Howl Wadaag ee gobolka Banaadir gaar ahaan Suuqa Bakaaraha, kadib markii nin uu walaalkiisa si naxariis daro ah u dilay.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in labo nin oo walaalo ahaa uu soo kala dhax galay muran aan wali la ogeyn waxa uu salka ku hayo, waxaana ugu dambeyn muranka keenay in dil dhaco.

Ninka dilka geestay oo magaciisa lagu sheegay Xasan Cali ayaa dilka walaalkiis u adeegsaday toorey ama mindi, waxaana falkan dilka ah aad uga argagaxay ehelada walaalahan is dilay iyo dadka dariska la ahaa.

Wali si rasmi ah looma oga waxa uu salka ku hayay muranka dhax maray walaalahan ee keenay dilka, waxaana ninka wax dilay la sheegay in uu damacsanaa in uu dalka dibadiisa u dhoofo.

Dilalka ay inta badan isku geestaan dadka walaalaha ee ka dhaca Muqdisho iyo gobolada qaar ayaa salka ku haya muran ka dhasha dhulal iyo sidoo kale dhax ka dhaxeysa dadka is dila.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir Cawad oo Warqadaha Aqoonsiga ka gudoomay Safiirada  Faransiiska iyo Jarmalka (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Bog uu sameystay Axmed Karaash oo wacdaro ka dhigaya Baraha Bulshada

Caydiid Ali

Mukhtaar Roobow & xubno la socday oo lagu soo dhoweeyey Magaalada Baydhabo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---