Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ruushka oo markii ugu horeysay sheegay inuu soo riday dayuurado ay leedahay Ukraine

Saraakiisha Ruushka ayaa sheegay iney soo rideen dayuurad kuwa dagaalka iyo sadex kale oo ah kuwa qumaatiga u kaca oo laga leeyahay dalka Ukraine.

Wasaaradda gaashaandhigga Ruushka ayaa sheegtay guulo kala duwan oo ay ka gaareen dagaalka iyadoo ciidamada cirka ee Ruushka ay beegsadeen xarumo badan oo ay ku sugnaayeen militariga Ukraine.

Ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Ruushka, Ukraine ayaan sidoo kale weli ka jawaabin.

Ruushka Ukraine ayaa Qaramada Midoobay iyo hayadaha kale ee caalamiga ah ka codsatay inay badbaadiyaan dad badan oo rayid ah isla markaana ay gargaar gaarsiiyaan aagagga ay weeraraan Ruushka, gaar ahaan magaalada dekedda leh ee Mariupol.

Vadym Halaychuk oo ah Xildhibaan ka tirsan xisbga madaxweynaha Ukraine, Vladymyr Zelensky, ayaa sheegay in QM ay tahay inay dowr ka qaadato furista waddooyin loo mariyo gargaarka biniaadanimo iyo inay ka shaqeyso xallinta dagaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Dilaa halis badan kuna xiran Xabsi oo codsaday in uu ka qeybgalo dagaalka ka socda Ukraine

Cabdi Cade

Haweeney fal argagax ku sameysay xubin ka tirsan jirkeeda si ay taajir u noqoto (Sawirro)

Caydiid Ali

Fahad Yaasiin oo kulan xasaasi ah la qaatay Shiikh Shariif & Xog laga helay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---