Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muxuu RW Rooble kala hadlay gudoonka KMG ah ee Golaha Shacabka Somalia?

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka Mudane Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad.

Rooble iyo Dhabancad ayaa ka wada hadlay howsha doorashada guddoonka Golaha Shacabka oo heer gebogebo ah mareysa iyo sidii doorashada gudoonka cusub ay ugu dhici laheyd qaab hufan.

Dhinaca kale Rooble ayaa hambalyo u diray Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal, Guddiga Doorashada Jubaland iyo Dowlad-goboleedka Jubaland oo soo gebogebeeyay doorashadii xildhibaannada Golaha Shacabka ee Ceelwaaq.

“Waxaan u hambaleynayaa Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal, Guddiga Doorashada Jubaland iyo Dowlad-goboleedka Jubaland oo maanta soo gebogebeeyay doorashadii xildhibaannada Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu ahayd gobolka Gedo. Hambalyo ayaan leeyahay  xildhibaannada cusub ee la doortay, anigoo u rajeynaya in uu Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda qaran ee loo igmaday” ayuu yiri Rooble

Inta badan Mudanayaashii manta hadal-jeedinta ku lahaay Gollaha Shacabka hortiisa waxey ka sinayeen in la kala ilaalsho isku Milanka Hay’adda sharci dajinta oo barlamaanka ah iyo Hay’adda fulinta oo Xukuumadda ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Xukun adag oo lagu riday nin dil u geestay Muwaadin Soomaaliyeed oo kunoolaa dalka…

Cabdi Cade

Laftagareen oo qirtay qaladaad culus oo dad badan yaab iyo amakaag ku noqday

Caydiid Ali

DF oo saxiixday heshiis faa’iido u leh shacabka Baydhabo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---