Allbanaadir.com
NEWS

Wiil dhalinyaro ah oo caawa lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Niman toorey ku hubeysan ayaa caawa Wiil dhalinyaro ah ku dilay Xaafada Dabaqeynka oo ka tirsan degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Dilka ayaa yimid markii wiilka dhalinyarada ah uu eryaday niman burcad ah oo dhac u geysanayey dadka ku nool Xaafada Dabaqeynka, iyadoo sida la sheegay burcadu ay ku soo jeesteen wiilka ka dibna ay toorey ku dileen.

Nimanka dilka geystay ayaa baxsaday, waxaana dilka wiilkan oo magaciisa lagu soo koobay Mascuud ka xumaaday shacabka degaankaas oo aad u garanayey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Raisal Wasaaraha Magacaaban oo kulan la tashi ah la qaatay Madaxweynihii hore

Caydiid Ali

Xabaal wadareedyo lagu aasay boqolaal qof oo laga helay gobolka Rakhine (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidanka dowladda oo howlgal lagu dilay xubno katirsan Al Shabaab fuliyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---