Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Max’uud Sayid Aaden iyo xubno kale oo saaka gaaray degmada Ceelwaaq (Sawirro)

Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aaden ayaa saaka gaaray Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo halkaasoo ay ka socoto Doorashadii 16ka kursi ee gobolka Gedo.

Maxamuud Sayid Aaden ayaa waxaa garoonka dayuuradaha Ceelwaaq ku soo dhoweeyey saraakiil iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland.

Ujeedka Safarka madaxwayne kuxigeenka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa ah in maanta uu soo xiro doorashadii kasocotay deegaan doorashada labaad ee Jubbaland oo maanta shantii kursi ugu danbeeyey lagu dooranayo

Shalay ayey aheyd markii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu gaaray degmada Ceelwaaq si uu ula socdo qaabka ay u dhaceysay doorashada xubnaha golaha shacabka ee degaan doorashada labaad ee Jubbaland.

Illaa 11 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka Somalia ayaa shalay lagu doortay magaalada Ceelwaaq iyadoo shanta kursi ee hartay lagu wado in la doorto saacadaha soo socda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

 

Related posts

Dagaalka Siyaasadeed ee u dhaxeeya Cumar Finish iyo Cabdullahi Carab oo meel xun gaaray !

Cabdi Cade

Akhriso: Magacyada 10-ka arday ee kaalimaha hore ka galay Imtixaanka shahaadiga ee Dugsiga sare

admin

Dil goor dhow ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---