Allbanaadir.com
NEWS

Guddiga Doorashada oo Shahaado siiyay Xildhibaano qaarkood lagu doortay Ceel-Waaq (Sawirro)

Guddiga doorashada heer federaal ayaa maanta shahaadada Xildhibaanimo siiyay afar Xildhibaan oo katirsan Baarlamaanka federaalka Soomaaliya uu ku jiro Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Carab oo maanta Ceel-Waaq lagu soo doortay.

Xildhibaanadan shahaadada maanta la siiyay ayaa qaarkood dalka dibaddiisa ku maqnaayeen halka kuwa kalana maanta la doortay, waxaana la filayaa in Xildhibaanadan qeyb ka noqdaan doorashada guddonka gollaha shacabka.

Guddiga doorashada ayaa cadeeyay in shahaadada siinayaan xildhibaan kasta oo lagu soo doorto habraac sax ah, waxa ayna guddiga sheegeen in shahaadada la siinayo Xildhibaanada lagu soo doortay Ceel-Waaq si ay qeyb uga noqdaan doorashada.

”Waxaa xusid mudan, in Guddiga FEIT go’aamiyeen in la siiyo Shahaadada Xildhibaan kasta oo maray habraaca doorashada lana soo doortay iyada oo aan muddo loo qaban si ay uga qayb galaan doorashada guddoonka Baarlamaanka, bulshada Soomaaliyeedna ay hesho metalaad dhab ah oo gole joog ka noqota go’aamada masiiriga ah ee waddanka iyo dhammeystirka doorashada Soomaaliya.” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga.

Shahaado siinta Xildhibaanada qaarkood lagu doortay Ceel-Waaq ayaa kusoo aadeysa xilli Madaxweyne Farmaajo maanta amray in la joojiyo doorshooyinka ka kala socda Ceel-Waaq iyo Garbahaarey, waxa uuna amray in xildhibaanadaasi aan la siin shahaado qeybna ka noqon doorashada.

Akhriso Xildhibaanada Shahaadada maanta la siiyay

1. Abdullahi Abukar Haji (Carab) GSH#119
2. Prof. Abdi Ismail Samatar AS#35
3. Hassan Budul Ali GSH#079
4. Jama Taqal Abbas GSH#230

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Haweeney Muqdisho ku dishay Labo haween ah oo guri la degnaa iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Xildhibaan Ka Hadlay Abaaraha Ka Jira Guud ahaan deegaanada Galmudug !!

admin

Saldhig ay leeyihiin ciidamada Mareykanka oo la weeraray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---