Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Axmed Madoobe oo safar dhoolatus ah ku tagay degmada Ceelwaaq (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta gaaray Gobolka Gedo halkaasoo ay kasocoto doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka ee kasoo baxaya deegaan doorashada labaad ee Jubbaland.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Ceelwaaq ku soo dhaweeyay qaar kamid ah golaha wasiirada iyo maamulka Magaalada.

Waxaa Madaxweynahu uu tagay halka ay ka socoto doorashooyinka deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee lagu dooranayo Xildhibaanada loo asteeyay gobolka Gedo inay ku matalaan Baarlamaanka JFS.

Madaxweynahu wuxuu goob joog ka ahaa doorashada hal kursi oo kamid ah kuraasta maanta lagu doortay Degmada Ceelwaaq isagoo u kuur galayay habsami u socodka doorashooyinka ayuu Madaxweynahu uga mahad celiyay guddiyada doorashooyinka ee kala duwan dadaalka aan kala go’a lahayn ee ay howshan ku bixiyeen.

Booqashada Axmed Madoobe ku tagay Ceelwaaq oo lagu tilmaamay dhoolatus siyaasadeed ayaa ku soo beegantay xili Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo uu ka soo horjeestay doorashooyinka isbarbar socda ee Garbahaareey iyo Ceelwaaq oo uu ku tilmaamay kuwo sharci darro ah oo baal marsan Sharciga Jihaynta Doorashooyinka Dadban ee ay ansixiyeen Labada Aqal ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Daawo Sawirada: Madaxweyne Dani oo booqday Dekadda weyn ee Tadjoura

Cabdi Cade

Wiil maanta Muqdisho ku dilay awoogiis hooyadiis dhalay 

Cabdi Cade

Kulan lagu Taageerayo dhismaha Galmudug Mideysan oo ka socda Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---