Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

DEG DEG: Madaxweynihii hore ee dowladda Kenya oo geeriyooday isagoo 90 sano jir ah

Madaxweynihii hore ee Kenya ee Mwai Kibaki ayaa geeriyooday isagoo 90 jir ah , sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Kenya

Kibaki wuxuu ahaa madaxweynihii seddaxaad ee soo mara Kenya, wuxuuna xilka hayay muddo 10 sano ah oo u dhexeyay sanadihii 2002- 2012-kii.

Madaxweynaha Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inuu dalka geli doono xaalad baroor diiq qaran ah inta laga aasayo Madaxweynaha hore iyadoo Calanka dalkaasi hoos loo dhigay.

Madaxweyne Kenyatta oo hadalkiisa sii wata ayaa faray in Madaxweyne ku xigeenka, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Xoghayeyaasha Xukuumadda, Guddoomiyaha Baarlamaanka Qaranka, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Diblomaasiyiinta Kenya ee dibadda iney Calanka Qaranka hoos u dhigaan laga bilaabo maanta ilaa qorrax dhaca maalinta Kibaki la aasayo.

Kenyatta ayaa tacsi u diray qoyska madaxweynihii hore ee geeriyooday, “Iyadoo Emilio Mwai Kibaki uusan nala joogin jirkiisa, ruuxiisa, qiyamkiisa iyo fikradihiisa ayuu haddaana nagu dhex nool yahay.” ayuu yiri Kenyatta.

“Mwai Kibaki waxa uu ku nool yahay qalbiyada malaayiin Kenyan ah oo ka faa’iidaystay hoggaankiisa, la dhacsan dabeecadiisa, oo ay dhiiri galiyeen tusaalihiisii. Mwai Kibaki waxa uu ku nool yahay xasuusteena aadka u wanaagsan ayuu intaa ku daray Kenyatta

 

Related posts

Labo qarax oo laga maqlay Magaalada Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Askari ka tirsan ciidanka Somaliland oo dil iyo dhaawac ka geystay Laascaanood

Caydiid Ali

(Akhrio) Cali Guudlaawe oo wasiir cusub u Magacaabay Wasaarada Caafimaadka Hirshabelle

Caydiid Ali
Taboola Ads ---