Dowlada Shiinaha ayaa eedeyn u jeedisay wadanka Sweden kadib dhacdadii ugu dambeysay ee lagu gubay kitaabka Quraanka ee ka dhacaday Sweden.
Talaabadan ayaa ka yaabisay dad badan, maadaama shiinaha uu tacadiyada ugu xun u geysto muslimiinta ku nool gobol ku yaalla woqooyiga galbeed dalkaas, kuwaasoo lagu guray xabsiyo, loo diiday salaadam soonka iyo xitaa quraanka akhriska.
“Xoriyada hadalku ma ahan marmarsiyo lagu kiciyo takoor dhaqan ama isir, kuwaas oo bulshada lagu kala qaybinayo” sidaas waxaa yiri Wang Wenbin oo ah afhayeen u hadlaya wasaarada arimaha dibada ee Shiinaha, oo ka hadlayay dhacdadaan
“Waxaan rajeyneynaa in Sweden si dhab ah u ixtiraamto diimaha ay aaminsan yihiin kooxa laga tirada badan yahay ee muslinku ka mid yihiin” ayuu yiri Wang.
Hogaamiyaha kooxda midigta fog Rasmus Paludan ayaa Todobaadkii hore magaalada Linkoping ee Sweden ku gubay kitaab quraan ah. Sidoo kale wuxuu ku goodiyay in uu kitaabo kale gubi doono.
Madaxda dowladaha Turkiga, Sacuudiga, iyo wadamado kale oo muslimin ah ayaa cambaareeyay gubitaanka kitaabka quraanka, iyaga oo ku tilmaamay in ay tahay ficil kicin iyo ka xanaajin ah oo ka dhan ah muslimiinta, waxayna xuseen in xoriyatal qowl uusan aheyn ku xad gudubka diimaha.
Ururuka u dhaqdhaqaaqa Islaamka ayaa sheegay in gubista quraanka ay dadka muslim ka ah ku abuurtay walwal ku aadan Islam-nacayb ka sii badanaya oo ay gadaal ka riixayaan masiixiyiinta xagjirka ah..