Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiirad shaqada iskaga casishay si ay daryeel u siiso saygeeda oo xanuunsanaya

Wasiirka arrimaha dibadda Belgium, Sophie Wilmès ayaa ku dhawaaqday inay si ku meel gaar ah isaga tagayso shaqada si ay u taageerto ninkeeda oo laga helay kansarka maskaxda.

Wilmès oo 47 jir ah ayaa xilkan heysay  tan iyo Oktoobar 2020 ka dib markii ay hal sano ku qaadatay ra’iisul wasaare, waxayna sheegtay inay u baahan tahay inay siiso caawiso ninkeeda, Christopher Stone, iyo saddexdooda carruur ah.

Waxay sheegtay in ay xilka isaga tagtay kadib markii uu ra’iisul wasaaruhu si buuxda ula tashaday xisbigiisa. Ra’iisul wasaaraha Biljimka Alexandre de Croo ayaa yiri: “go’aanka ay qaadatay wasiir Willems waa midkii loogu xushmada badnaa”.

De Croo aya aintaas ku daray in wasiiradu aysan si rasmi ah isaga caslineynin xilka dawlada, balse awoodahaheeda si kumeel gaar loogu wareejindoono wasaarado kale.

“Nasiib darro noloshu mararka qaarkood waxay qaadataa isbeddelo xanuun badan,” ayey tiri Wilmès oo warqad soo dhigtay Twitter-ka.

“Cudurka ayaa si lama filaan ah nolosheena u soo galay, gaar ahaan, kan ninkayga, Christopher, kaasoo ay tahay inuu bilaabo – sida rag aad u badan, haween iyo xitaa carruur – la dagaallanka kansarka maskaxda ee daran.”

Marka laga soo tago joogitaankiisa madaxda dowlad goboleedyada iyo shirarka dowladda, De Croo wuxuu hadda u matali doonaa Belgium shirarka wasiirrada arrimaha dibadda ee Midowga Yurub iyo Nato.

Wilmès, wasiirkii miisaaniyada Belgium ee 2015 ilaa 2019, ayaa noqotay haweeneydii ugu horeysay ee ra’iisul wasaare ka noqota boqortooyada ka dib markii uu ka tagay PM Charles Michel – oo sidoo kale ka tirsan xisbiga liberaaliga ah ee ku hadla afka Faransiiska – si uu u noqdo gudoomiyaha Golaha Yurub.

Xirfadeeda isgaarsiineed iyo dareenkeeda ayaa guud ahaan lagu ammaanay warbaahinta.

Wasiirka ganacsiga, David Clarinval, ayaa la wareegi doona hawlaha dheeraadka ah ee Wilmès ee ganacsiga dibadda, halka wasiirka da’da yar ee dhijitaalka ah, Mathieu Michel, uu dabooli doono doorkeeda hay’adaha dhaqameed ee federaalka.

Related posts

Axmed Madoobe oo Ballan qaad u sameeyay Guddiga Doorashada Heer Federaal (Sawirro)

Cabdi Cade

Abwaan iyo Qoraa isaga oo xabsi ku jira ku guuleestay Abaal marin muhiim ah !!

Cabdi Cade

Siyaasiyiin & Xildhibaano Mucaarad ah oo lagu eedeeyey iney Alshabaab u fidiyeen dacaayad

Caydiid Ali
Taboola Ads ---