Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiirka amniga Jubbaland & Ciidamo uu wato oo gaaray degmada Ceelwaaq (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlada Jubbaland  S/Gaas Yusuf Xusseen Cismaan (Dhuumaal) iyo qaar  ka mid ah saraakiisha ciidamada ayaa garay degmada Ceelwaaq  oo ah degaanka doorashada labaad ee Jubbaland.

Ceelwaaq ayaa lagu qaban doonaa doorashada 16-ka Kursi ee gobolka Gedo ka dib markii laga soo wareejiyey Magaalada Garbahaarey.

Ciidamadan ayaa kab qeyb qaadan doona sugida ammaanka goobta lagu qabanayo doorashada ee degmada Ceelwaaq sida ay sheegeen saraakiisha amaanka Jubbaland.

Guddiga Doorashooyinka Jubbaland ayaa xalay shaaciyey habraaca doorashada qaar ka mid ah 16ka kursi ee loo wareejiyey degmada Ceelwaaq.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Shirkaddo ka howlgala degaanada Puntland oo xanibaad shaqo lagu soo rogay (Akhriso)

Caydiid Ali

Puntland oo shaacisay qaabkii ay Puntland kusoo galeen ajaaniibta Daacish

Cabdi Cade

Maamulka G/Banaadir & Wasaaradda Caafimaadka oo iska kaashanaya fulinta qorshe cusub (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---