Guddiyada qaban qaabada doorashada guddoonka labada aqal ee Baarlamaanbka federaalka Soomaaliya ayaa diiwaangeliyay sidoo kale siiyay shahaadada musharaxnimo musharaxiin badan oo u taagan guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka federaalka.
Doorashada guddoomiyaha gollaha shacabka iyo labadiisa kuxigeen ayaa waxaa isku diiwaan geliyay 20-musharax, kuwaa oo tartan adag u geli doono hanashada saddexda kursi ee guddoonka gollaha ah.
Musharaxiinta ugu badan ayaa isku soo taagay xilka guddoomiyaha gollaha shacabka, waxaana kursigaasi loo diiwaangeliyay ilaa 8-musharax halka kuxigeenka 1-aad ku tartamayaan 7-musharax, waxaa sidoo kale kuxigeenka 2-aad u taagan 6 musharax.
Doorashada guddoonka gollaha shacabka ayaana la filayaa in ay adkaato, waxaana ku loolami doona musharaxiin ay kala wataan Villa Soomaaliya iyo qaar kamid ah musharaxiinta Mucaaradka .
Loolanka ugu adag ee doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaana lagu ogaan doonaa cida ay u badan doonto natiijada kasoo baxda doorashada guddoonka labada aqal ee lagu wado in isbuucan ka dhacdo Muqdisho.
Akhriso magacyada Musharaxiinta isku diiwaangelisay guddoonka gollaha shacabka
Guddoomiyaha Gollaha Shacabka
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.comÂ