Maxkamadda sare ee dalka ayaa meesha ka saartay in ay qaadi karto dacwad uu guddiga doorashada heer federaal ka gudbiyay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo natiijada kursigii uu ku guuleestay ay laaleen guddiga doorashada heer federaal.
Go’aanka maxkamadda kasoo baxay ayaa dhaliyay hadal heyn badan, waxaana si weyn usoo dhaweeyay go’aankaasi wasiiro katirsan xukuumadda Soomaaliya, xildhibaano iyo siyaasiyiin kale oo mucaarad ku ah Fahad Yaasiin iyo Farmaajo.
Qaar kamid ah wasiiradda aadka ugu dhaw Ra’isul Wasaare Rooble ayaa soo dhaweeyay si weyna u boggaadiyay go’aanka Maxkamadda kasoo baxay, waxa ayna ku ammaaneen garsoorayaasha maxkamadda in ay u hiiliyeen sharciga iyo caddaalada.
”Waxaan bogaadinayaa go’aanka ay gaartay Maxkamadda Sare ee JFS ee uu hogaamiyo Garsoore Baashe Yuusuf Axmed,dhab ahaanti maxkamadda sare ee dalku waxa ay maanta u hiilisay qarannimada, nabadda iyo cadaaladda. Gudoomiye Baashe, garsoore Saalax Dhiblaawe & garsoore Cabdicasiisna waxa ay sameeyeen taariikh mudan in loo diiwaangaliyo garsoorka JFS.” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.
Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Soomaaliya ayaa sidoo kale soo dhaweeyay go’aanka kasoo baxay maxkamadda, waxa uuna sheegay in maxkamadda sharc iga u hiilisay sidoo kale dhistay kalsoonida shacabka.
Fahad Yaasiin ayaa hada waxaa lasoo darsay rejo xumo, waxaana inta badan kasoo xirmay dariiqyadii uu filayay in uu ku heli karo kursighii uu ku guuleestay si uu ugu tartamo guddoomiye kuxigeenka gollaha shacabka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.comÂ