Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Daawo Sawirro) Maamulka Puntland oo Gaadiid dagaal ku wareejiyey Galmudug

Galmudug ayaa Maamulka Puntland kala wareegtay gawaari Ciidan oo sanadihii la soo dhaafay uga xayirnaa Magaalada Boosaaso ee gobolka bari.

Lix gaari oo Cabdi bille oo ay leeyihiin Ciidamada Booliiska Galmudug ayaa Puntland gaalkacyo  keentay, kuwaasoo ugu dambeyn loo soo gudbiyey Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in talaabadan uu dadaal ku bixiyey Madaxwaynaha Galmudug Qoorqoor oo xiriiro la sameeyey madaxda Puntland

Waa qeybtii labaad ee gaadiid dagaal ah kuwaasoo Puntland ku wareejiso Galmudug, ka dib muddo dheer oo sifo aan sharci aheyn ay ku heysteen gaadiidkan dagaal oo ay bixisey Hay’adda (UNOPS) oo haatan ka shaqeysa dhismaha Ciidanka Booliiska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Dowlada Sacuudiga oo isu diyaarinaysa iney qirato dilka Suxufiga Jamal Kashoqgi

Caydiid Ali

Maxaa ka jira in Villa Somalia doorashada Golaha shacabka ka wareejineyso B/Weyne?

Caydiid Ali

Deni oo soo saaray xeer lagu dhisayo hay’adda Aqoonsiga dadweynaha

Cabdi Cade
Taboola Ads ---