Waxaa caawa magaalada Muqdisho lagu qabtay afur wadareed kulmiyey qaar ka mid ah ardayda Soomaalida ee Suudan wax ka soo baratay.
Waxaa kaloo afurka joogay safiir ku xigeenka Suudan ee Soomaaliya iyo xubno kale oo ka tirsan Jaaliyada reer Sudan ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.
Siyaasiyiin caan ah oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal, C/raxmaan C/shakuur, Axmed Macalin Fiqi iyo qaar kale ayaa ka qeyb galay afur wadareedkaas, iyagoo ka mid ah ardayda wax ku soo baratay Jaamacadaha Sudan.
Waxaa kulankan oo sanadkiiba mar la qabto ka hadlay xubno kala duwan oo ka tirsan aqoonyanada ka qeyb galay oo ka waramay sida loogu baahan yahay iney isaga war qabaan ardayda wax ku soo baratay Sudan.
Qiyaastii 50,000 oo arday oo Soomaali ah ayaa la sheegaa in ay Suudaan wax ku barteen 30kii sano ee la soo dhaafay. Waxaana ka soo qeyb galayaasha kulankan ay dowladda iyo shacabka Suudaan uga mahaceliyeen fursaddaas ay Soomaalida siiyeen.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.comÂ