Allbanaadir.com
MUQDISHONEWSPUNTLAND

(Akhriso) Deni oo soo saaray Wareegto uu ku magacaabay Wasiiro cusub

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 28 ee 19ka April 2022 kuna saabsan magacaabid xubnaha Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay:  Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad faqradiisa 5aad.

Marku arkay:  Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda   shaqo.

Markuu tixgeliyey:  Baahida loo qabo dhammaystirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Markuu garawsaday:  Shaqada baaxadda weyn leh ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda.

Marku la tashaday:  Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Puntland

Wuxuu Xeeriyey:

Magacaabid

  1. Waxaa Maxamuud Caydiid Dirir loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda, Isgaarsiinta,Tiknoolajiyadda, Warfaafinta, Dalxiiska, Dhaqanka iyo Hiddaha.
  2. Waxaa Cabdullaahi Maxamed Ciise (Qoor dhuub) loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka.

Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo.

DHAMMAAD

Related posts

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee arraga (World Sight Day) oo lagu qabtay Muqdisho

Caydiid Ali

Nin ku lug lahaa Weeraradii ka dhacay Paris sanadkii 2015 oo lagu qabtay Jabuuti (Sawirro)

Caydiid Ali

War Deg Deg Ah: Taliye Saadaq Joon oo xilka laga qaaday iyo Taliye cusub oo lagu bedelay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---