Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweynaha dowlad goboleedkii 3aad oo Muqdisho soo gaaray (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo kusoo gaaray magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Waxaa gegida dayuuradaha ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyay xildhibaano katirsan labada aqal ee BFS iyo masuuliyiin kala duwan kuwaasoo uu madaxwayne Kaariye gacan qaaday.

Lama oga ujeedka safarka Madaxweynaha Galmudug, ku yimid Muqdisho hase ahaatee waxaa uu noqonaya Madaxweynaha dowlad goboleedkii 3aad ee soo gaara Xamar maanta.

Sidoo kale, waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray madaxda dowlad goboleedyada Koonfur galbeed Laftagareen iyo Puntland Saciid Deni oo isagu u yimid caasimada inuu bilaabo ololihiisa doorashada Madaxweynaha Somalia ee dhowaan dalka ka dhaceysa, waxaana horey u joogay Muqdisho Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Ciidanka Kumandoska ee DANAB oo Al-Shabaab oo kala wareegay degaano cusub (Sawirro)

Caydiid Ali

Bishaaro Muhiim ah oo loo hayo Qurbajoogta Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Wejigii Saddexaad ee Wada Haddalada Xisbiga Kulmiye iyo Xisbiyada Mucaaradka oo si rasmi ah u bilowday (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---