Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ruushka oo gacanta ku dhigay rag u dhashay UK oo lagu qabtay Dagaalka Ukraine

Dalka Ukraine uu ka socdo dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada Dalkaasi iyo kuwa Ruushka ee duullaanka ku qaaday ayaa waxaa ku biiray dagaalyahano ka kala tagay waddamo kala duwan oo gacan siinaya ciidamada Ukraiane.

Ruushka ayaa horey u sheegay in dagaalka ku dileen dagaalyahano ajaaniib ah oo ka bar bar dagaalamayay kuwa Ukraine , waxa ay sidoo kale sheegeen in ay gacanta ku dhigeen kuwa kale oo kasoo jeeda waddamo Yurub kuyaalla.

Muuqaal ay baahiyeen warbaahinta Ruushka ayaa lagu soo bandhigay labo dagaalyahana oo la sheegay in ay ciidamada Ruushku ku qabteen dagaalka Ukraine, kuwaa oo kasoo jeeda Boqortooyada UK.

Labadan nin ay qabteen ciidamada Ruushka oo lagu kala magacaabo Shaun Pinner oo 48 jir ah iyo Aiden Aslin oo 28 jir ayaa ugu baaqay Ra’isul Wasaaraha dalka Uk in uu gacan ka geesto sidii dib ugu heli lahaayeen xuriyadooda.

Muuqaalkan laga duubay raga ayey ku dalbanayeen in lagu bedesho siyaasiyiin Ruushka taaageersan oo ku jira xabsiyo ay maamusho dowladda Ukraine, waxaana ragan ciidamada Ruushka u gacan galay wajiyadooda ka muuqday argagax.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

https://www.youtube.com/watch?v=V_29pprABuc

Related posts

Itoobiya oo faragalin ku sameeneysa Doorashada Jubbaland iyo Wafdi kusii jeeda Kismaayo

Cabdi Cade

Weerar dad badan lagu dilay oo goor dhow ka dhacay duleedka Muqdisho

Caydiid Ali

Sheekada iyo sida ay u dhacday Ninkii 72 masas ah qol kula jiray 72 saacadood

Cabdi Cade
Taboola Ads ---