Allbanaadir.com
NEWS

Mid kamid ah Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya oo xilka laga qaaday

Wareegto goordhaw kasoo baxday Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xilka looga qaaday Mid kamid ah Wasiiradii uu dhawaan soo magacaabay.

Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa xilka ka qaaday wasiirkii Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xasan Macallin Xuseen oo xilkan loo magacaabay 22-kii bishii May ee sanadkan 2018-ka.

Wali lama oga sababaha rasmiga ah ee xilka looga qaaday Wasiirkan xilka hayay in ka yar sadex bilood, waxaana xilka Wasiirka si KMG ah u siin heyn doona wasiiru dowlaha Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Cabdixakin Xasan Ibraahim Ashkir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Weerar dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Boqortooyada Sacuudiga

Caydiid Ali

Booliiska Somaliland oo toogasho ku dilay nin u dhashay dalka Itoobiya

Cabdi Cade

Madaxweynaha Finland oo aad ula yaabay hadal kasoo yeeray Donald Trump

Cabdi Cade
Taboola Ads ---