Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qoorqoor oo si kulul uga hadlay dilka loo geystay Abwaan Badal Jaamac Xersi

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa ka tacsiyeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid allaha u raxmadee, Abwaan Badal Jaamac Xersi (Laangare), oo caawa kooxo hubeysan ku dileen degmada Kaxda ee duleedka Muqdisho xili uu salaadii maqrib ka soo baxay masjid ku yaala degmadaas.

Madaxweynaha ayaa si guud ugu tacsiyeeyay ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaanna qoyska, qaraabada iyo xigtada marxuumka, waxuuna Eebbe uga baryay inuu ka waraabiyo Janadiisa Firdowza aheyd

Abwaan Badal ayaa ka mid ahaa nabadoonada Galmudug, wuxuuna had iyo goor u taagnaa  nabadeynta iyo dadaalada dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

 

Related posts

Ciidanka Nabad-galayada oo bilaabay sumadeynta Waddooyinka Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Safiir ajnabi ah oo talo muhiim ah u soo jeediyey Madaxweyne Farmaajo

Caydiid Ali

Prof. Dufle: “Cabista Sigaarka & isticmaalka Tubaakada waxaa ka dhasha halis Caafimaad”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---